Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, dadka deegaanka iyo Al-shabaab oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.
Dagaalkaan ayaa ka yimid ka gadaal markii rag ka tirsan Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Jiicdheere oo u dhow deegaanka Bacaadweyne, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa.
Dad ayaa ku warramay in markii horey Al-shabaab u suura-galay inay qabsadaan deegaanka Jiicdheere ee Mudug, hayeeshee dadka oo gurmad ka helay Ciidanka qeybta 21-aad ay dagaal kula wareegeen halkaas