Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ciidan Iyo Khasaaro Ka Dhashay

25

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saqdii dhexe ee xalay Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo dagaalyahno hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ku dhexmaray degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa ka dhashay sida aan xogta ku helay, kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin gudaha Jalalaqsi, isla markaana waxaa intaas kadib dhacay dagaal muddo kooban socday.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka oo labada dhinac soo kala gaaray, sida ay sheegeen dadka deegaanka degmada oo xalay maqlayay dhawaqa rasaasta la is-dhaafsanayay.