Al-Shabaab oo weeraray degaano katirsan gobolka Sh/dhexe

75

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe Al-Shabaab ayaa la wareegay gelinkii dambe ee shalay dhul ballaaran oo hoostaga degmooyinka Raage-ceelle iyo Jowhar.

Al-Shabaab ayaa la wareegtay tuulooyinka ay ka mid yihiin Warciise oo 15-20km u jirta Jowhar, iyo sidoo kale tuulooyinka Qoordheere, Jabada carbeed, Geyfo iyo Daba-gaab oo hoostaga degmada Raagaceelle.

Al-Shabaab ayaa la soo sheegayaa iney qiyaastii 10km u jiraan degmada Raagaceelle, halka ay tuulooyin hoostaga Jowhar ay la wareegeen sida wararku sheegayaan.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa cabsi iyo walaac badan ka dareemaya dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Al-shabaab iyo goobaha cusub ee ay qabsadeen.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Al-Shabaab ayaa sidan oo kale la wareegtay degaanka Mashallaay oo hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose ka dib markii ay isaga baxeen ciidamada DF iyo kuwa AMISOM.