Amar Culus oo la duldhigay Xildhibaanada xilka laga qaaday.

37

Xeer Ilaalinta Puntland ayaa amartay in aysan Puntland ka bixi karin  Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Puntland oo Saaka laga xayuubiyay Xasaanaddii.

Warar ku waxaa ay intaas ku darayaan in la doonayo in xubnaha xasaanadda laga qaaday la xiro, iyadoo guud ahaanba laga joojinayo xoriyadda.

Xeer Ilaalinta Puntland ayaa codsatay in Xubnahaas si gaar ah loola socdo,  amartay in aysan Puntland ka bixi karin xildhibaandaasi, laamaha amniga laga codsatay in ay dhaqdhaqaaqa Mudanayaasha la xakameeyo, sida ay sheegayaan warar hoose oo aan ka helayno Puntland.

Xildhibaannada xilka laga qaaday ayaa kala ah:

1.Xildhinaan Cabdijamal Cismaan

2.Xildhibaan Cabdiqani surato

3.Xildhibaan Muuse Jajabsay

4.Xildhibaan Baduugaaye

5.Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre

6.Xildhibaan Saleeban Faarax.

7.Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore

8.Xildhibaan Maxamud Axmed Caali

8 mudane oo mucaaridsanaa Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jabriil, ayaa Xasaanadda laga xayuubiyay, waxaana la sheegay in 35 mudane ayaa gacanta u taagtay, taasi oo ka dhigan in ay Xaasanaddii Xildhibaanimo waayeen Mudanayaasha Xilka laga qaaday.