AMISOM Oo Qorshe Cusub Ku Dhawaaqday

40

Maamulka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa maanta soo saaray qoraal dukumiinti ah oo qeexaya waajibaadka howlwadeennada ee la xiriira habraaca ilaalinta deegaanka.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in howlwadeennada ay waajibka ku ah dhaqangelinta dhammaan nidaamka ilaalinta deegaanka,gaar ahaan marka ay fulinayaan waajibaadka ka saaran howlgalka nabad ilaalinta.

Dukumentigaan oo cinwaan looga dhigay Nidaamka Howlaha aasaasiga ee AMISOM (SOPs), waxaa Arbacadii si rasmi ah u bilaabay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira.