AMISOM Oo Tababar Dhanka Xaquuqda Aadanaha U qabatay Ciidamo Ka Tirsan Itoobiya (Sawirro)

31

Saraakiisha Ciidamada Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in 25 sarkaal oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay dhameysteen tababar dhanka xuquuqda Aadanaha .

Tababarkan oo socday labo cisho ayaa ahaa mid lagu baranayay qaabka  dhanka online ama  habka fogaan wax ku barashada ee Internet-ka.

Sarakiisha bixineysay tababarkan ee ka socotay Midowga Afrika waxa uu sheegay in tababarkan uu qeyb ka yahay sare u qaadida ciidanka arrimaha la xiriira xuquuqda aadnaha iyo sharciyada ku saleysan Ciidamada .

Madaxa difaaca xuquuqda Aadanaha ee AMISOM Kareem Adebayo ayaa saraakiisha ku booriyay in cilmiga ay barteen ay fuliyeen marka ay shaqada ku jiraan oo ay xirfadda la baray meel mariyaan si ay bulshada ay la dhaqmayaan ay ula jaan qaadan Aaladaha Casriga ah oo qeyb ka ah adeegsiga Internet-ka

Saraakiishan ayaa  waxaa la baray dhaqanka Soomaalida, sida loo fuliyo howlgallada Nabadda  iyo ilaalinta xuquuqda dumarka iyo ka hortagidda xad gudubyada Galmada la xiriira.

Tababarkaan ayaa waxaa ka Faaideystay Ciidamadan ka socday dalka Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM