AMISON oo sheegtay in ay dileen saraakil katirsan Al-shabaab

28

Ciidamada dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa shaaciyey inay dileen 189-xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kadib markii ay ku qaadeen weerar lama filaan ah.

Militeriga Uganda waxay sheegeen in Shabaab goortii ay weerareen ay ku shirayeen meel lagu magaabo Siigaale oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, isla markaana 100 KM Koonfur Bari uga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo howd ah.

Sidoo kale warkan waxaa lagu sheegay  in ciidamadu burburiyeen gawaari militeri oo ay lahaayeen Al-Shabaab, isla markaana ay nolosha ku qabteen laba sarkaal oo Shabaab ah, kuwaas oo sida ay sheegeen lagu wareejiyay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Col. Deo Akiiki oo ah Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in wax khasaare ah aysan gaarsiin dad shacab ah, balse ay howlgalkaas ku dileen askar iyo xubno sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.