Ammaanka magaalada Baydhabo oo si weyn loo adkeeyey

21

Wararka saaka ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyey amniga magaaladaasi oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la dhigay waddooyinka magaalada oo dhan, si ay amniga u xaqiijiyaan, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

Ujeedka arrintan ka dambeeya ayaa ah socdaal ay Madaxweynayaasha maamullada HirShabelle iyo Galmudug ku tegayaan gudaha magaalada Baydhabo.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wafdigan ayaa sidoo kale si aad ah looga dareemayaa halkaasi.