Aqalka Sare Ee Mareykanka Oo Ka Hadlay Khilaafka Doorashada Somalia

27

Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, Bob Menendez, ayaa bayaan kasoo saaray xiisadaha kasii daraya ee ku saabsan doorashada Soomaaliya kaddib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dhammaaday waqtigii xilka iyadoo aan la gaarin heshiis ku aaddan qabashada doorashooyinka horay loo muddooeyay.

Guddoomiye Bob Menendez ayaa sheegay in Mareykanka uu aad uga walaacsanyahay xiisadda sii xoogeysaneysa ee ku saabsan doorashada Soomaaliya iyo khatarta dhabta ah ee loogu jiro in uu dhiig ku daato is mari waaga hadda ka taagan arrimaha siyaasadda.

Waxaa uu tilmaamay in khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo dowlad Goboleedyada uu halis gelinayo dadaalkii adkaa ee ay dadka Soomaaliyeed usoo mareen horumarka dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha.