Aqriso: Wararkii u dambeeyey ee magacaabista golaha wasiirada cusub

80

Wararka laga helayao Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu qorsheeyey in 48-ka saac ee soo socda uu ku dhawaaqo liiska golihiisa wasiirada cusub.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa haatan soo gaba-gabeeyey dhammaan kulamadii wada-tashiyada ahaa ee uu ka waday gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in liiska golaha wasiirada ay ka soo muuqan doonaan qaar kamid ah wasiirada xukuumaddii Xasan Cali Khayre iyo kuwa cusub.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in isla todobaadkan gudihiisa uu Ra’iisul wasaare Rooble xukuumaddiisu horgeyn doono baarlamaanka Soomaaliya, si loo ansixiyo.

Haddii la meel-mariyo Xukuumadda federaalka waxaa horyaallo shaqooyin adag oo ay ugu horreyso doorashada 2020/21 oo la soo saaray jadwalkeeda.