Aqriso: Wararkii u dambeeyey safarka A/Madoobe iyo Deni ee Muqdisho

25

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo uu shalay dib u dhac ku yimid socdaalkooda ayaa la filayaa in beri ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe iyo Deni oo is-baheysi cusub sameystay ayaa wada-hadallo caasimada kula leh madaxda dowladda, gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Inta badan waxaa wada-hadalladaasi diirada lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.

Wararka ayaa sheegaya in shirkaasi oo ah mid xasaasi ah uu ka qabsoomi xarunta Xalane oo ah meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.

Sidoo kale waxaa shirkaan gadaal ka riixeyso beesha caalamka oo cadaadis ku saartay inay Muqdisho yimaadaan Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntand.

Labada hoggamiye ayaa horey u diiday ka qeyb-galka shirkii Dhuusamareeb 3 oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso sanadkan 2020-ka.