Aqriso: Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Baydhabo

19

Magaalada Baydhabo waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka wada-tashiga dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug.

Baydhabo waxaa haatan ku sugan Madaxweynayaasha maamullada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo kulamo gaar ah yeeshay.

Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda halkaasi ku wajahan Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka muhiim ah ee magaalada Baydhabo.