Aqriso: Wararkii ugu dambeeyey kulanka A/Madoobe, Deni iyo MW Farmaajo

27

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo ah Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa inay maanta kulan gaar ah la qaataan Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii ay shalay soo gaareen gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka oo ah mid xasaasi ah looga hadli doono xiisada u dhexeysa dhinacyadaasi, gaar ahaan tabashada ay qabaan Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi in kulanka diirada lagu saarayo arrimaha doorashada 2020/2021 iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3.

Xubnahaha Beesha caalamka ayaa gadaal ka riixeyso dadaalka haatan socda ee lagu doonayo in xal mideysan lagu gaaro magaalada Muqdisho.