Ardayda Dugsiga sare ee Baraawe oo loo diray diyaarad qaas ah

59

Ardayada ka qalinjabineysa Dugsiga sare gaar ahaa ardayda ku nool magalaada Baraawe oo shalay ka cabanayey in aan loo keenin imtixaanka Qaran ay galayaan ardayda Dugsiga Sare ayaa waxaa maamulka gobolka shabeelada Hoose maanta u direen diyaarad ah Qaas ah taasi oo keeni doonta magaalada Muqdisho,

Gudoomiyha Goboka Shabeelada Hoose ibraahim Aadan Cali (Najah) ayaa sheegay in ay ku guuleysteen In ardaydaasi ay galayaan imtixaanka Dowlada si ay uhelaan Shaahadada DS

Gudoomiye Najah ayaa bartiisa ku soo qoray

“Waxaan ku guuleysanay in diyaarad loo diro ardayda dhameysatay Dugsiga sare ee ku sugan Baraawe oo shalay cabasho ka soo gudbiyay inaysan helin imtixaanka Dugsiga sare”

Dhinaca kale Gudoomiyaha ayaa u mahadceliyey cid walbo oo ka qeeyb qaadatay garab istaaga ardayada Re Baraawe

” waxaan u mahadcelinaa Madaxweynaha Koonfurgalbeed Mudane Cabdiaziiz Laftagaren Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS mudane Ali Fiqi iyo Wasiirka Gargaarka DFS oo door weyn ka qaatay arrintaan”

Ardaydaan lagu soo qaaday diyaarada qaaska ah ayaa waxay imtixaanka ku geli doona magaaladda Muqdisho,