Armenia iyo Azerbaijan oo mar kale gaaray heshiis xabad joojin ah

30

Dalalka Armenia,Azerbaijan iyo ruushka ayaa kala saxiixday heshiis kale oo xabada lagu joojinayo si xal looga gaaro dagaalka mudada ka socda gobalka Nagorna-Karabakh

Ra,iisul wasaaraha Armenia ayaa sheegay in heshiiskan oo ka duwan kuwii hore uu maanta si toos ah u dhaqan geli doono si looga baaqsado colaadaha halkaasi ka taagan

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyey oo kula la qaatay dhigiisa dalka ruushka ayaa sheegay in ay ka go,antahay heshiis laga gaaro gobalka Nagorna-karabakh oo ay ku geeriyoodeen ilaa iyo 1,000 ruux

Heshiiskan cusub ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan ciidamada Azerbaijan ayaa Armenia kala wareegeen gacan ku haynta magaalada labaad ugu weyn susha kadib dagaal xoogan oo halkaasi ka dhacay