Askar ka tirsan Xoogaga Haramcad oo lagu dilay Degmada Matabaan

69

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa dagaal xoogan oo xalay ka dhacay wadada dhanka galbeed uga baxda Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo maleeshiyaad deegaanka ah, oo jidgooyada Dhisaqa ay halkaasi u taalo.

Ciidanka Haramcad ayaa maleeshiyadaasi ku baxay, ka dib markii ay tiro dad ahi kala daggeen gaari ka yimid dhinaca Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya Ciidanka Haramcad oo watay gaadiidka dagaalka in ay iska caabin xoogan kala kulmeen maleeshiyadaasi, isla-markaana uu halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan leesku adeegsaday.

Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ayaa sheegay in dadkii xoogga lagu kaxeystay laga soo furtay maleeshiyadaasi, isla-markaana ay Ciidanka Haramcad la wareegeen jidgooyadii ay ku sugnaayeen.

Hase yeeshee wararka laga helayo Degmada Matabaan ayaa sheegaya in maleeshiyadaasi ay weli ku sugan tahay isbaarada Dhisaqa, halka Ciidanka Haramcad-na ay ku sugan yihiin kontoroolka laga soo galo Matabaan.