Askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo dil ka geystay Garoowe

40

Ugu yaraan hal ruux oo shacab ah ayaa maanta ku geeriyooday bartamaha Caasimadda Garoowe kadib rasaas uu riday askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Canshuuraha ee Puntland.

Askariga ayaa rasaasta riday xilli ay murmayeen qof kale oo ganacsade ah kaas oo diiday in uu bixiyo Canshuur laga doonayay sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliiska.

Marxuumka dhintay oo magaciisa lagu sheegay Cabdulqaadir Siciid Aw Yuusuf ayaa markiiba u geeriyooday rasaasta oo ka haleeshay qaarka sare ee jirkiisa.

Booliiska ayaa sheegay in xabsiga la dhigay askarigii ay rasaastu ka dhacday qorigiisa.