Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo qof Shacab ah ku dilay Dhuusamareeb

109

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Askari ka tirsan Ciidanka dowlada Soomaaliya uu qof Shacab ah ku dilay gudaha Magaalada Dhuusamareeb.

Askariga dilka geystay ayaa sida la sheegay wuxuu ka tirsanaa Ciidanka Booliska ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb.

Dilka ayaa yimid ka dib markii muran soo kala dhexgalay Askariga iyo Qofka Shacab ah ee la dilay.

Ciidanka Ammaanka ayaa ku howlan soo qabashada Askariga dilka geystay oo la sheegay in uu goobta ka baxsaday.