Askari Ka Tirsan Dowladda Oo Dil Iyo Dhaawac Geystay Oo La Qabtay

20

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa dil iyo dhaawac ka geystay gudaha degmadaas, kadib markii uu rasaas ku furay Mooto Bajaaj ay saarnayeen dad shacab ah.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Askariga oo ku sugnaa xaafad ka tirsan Balad-xaawo uu si bareer ah rasaasta ugu furay Mooto Bajaaj-ta oo ay saarnaayeen Hooyo iyo Wiil ay ka dhashay iyo Darawalka waday Mootada.