Askari Lagu dilay Suuqa Bakaraaha ee Magaalada Muqdisho

41

Wararka laga helayo qeybo ka mid ah suuqa bakaaraha ayaa waxa ay sheegayaan  in Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa gudaha Suuqa ku dilayn Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa qaada  Canshuurta  ee loo yaqaano Minishiibiyada.

Faahfaahinta ka soo baxeyso dilkaasi ayaa tilmamaeyso  in rag dhalinyaro ah ay toogteen Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka Canshuurta qaada, xili uu ku sugnaa gudaha Suuqa Bakaaraha, isagoona u geeriyooday rasaas qeybaha sare ee jidka looga dhuftay.

Durbadii  Ragii dilka geysta ayaa la tilmaamay in goobta ay uga baxsadeen si Deg deg ah, isla markaana waxaa sida caadada aheyd daqiiaqdo kadib goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo qaaday Meydka Sarkaalka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, kuwaasi oo falka kadib goobta ka baxsada.

Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada dilkaas ka dhacay Muqdisho ee loo geystay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka dowladda gaar ahaa qeybta Canshuurta qaada, iyagoona magacaabiisa ku sheegay Cabdi Macoow Kulmiye.

Ilaaiyo hadda ma jirto saraakiisha ciidamada amaanka dowlada iyo kan Gobolka Banaadir oo ka hadlay dilka askarigaan loo geestay .