Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho

42

Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo haatan shirar ku leh Garoowe ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka soo saaraan war-murtiyeed ku aadan waxyaabihii ay ka wada-hadleen.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in u jeedka imaashahooda Muqdisho uu ka dambeeyey, kadib cadaadis uga yimid xubnaha beesha caalamka.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya inay ka qeyb ka soo qeyb-geli doonaan shir kale oo garoonka Aadan Cadde ku dhex-mari doono madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan dalka uu ku jiro xaalad siyaasadeed oo cakiran iyo marxlad adag oo kala guur ah.