Monday, April 19, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Axmed Madoobe iyo Deni oo shuruudo cusub ku xiray ka qeyb galka...

Axmed Madoobe iyo Deni oo shuruudo cusub ku xiray ka qeyb galka Shirka Afisyooni

14

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland ayaa shuruudo ku xiray ka qeyb galka Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ee Maanta ka furmaya Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Xalane.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay dalbadeen in marka hore la isku raaco Ajendaha looga hadlayo Shirka Madaxda ee Maanta furmaya.

Sidoo kale labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in qaabka agaasinka Shirka aanu aheyn sidii balanta aheyd oo ay Codsadeen in Beesha Caalamka ay goobjoog ka noqoto, isla markaana ay ka qeyb galaan Musharaxiinta Madaxweynaha.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa xalay sheegay in Puntland aysan ka qeyb geli doonin Shirka Madaxda isagoona sababta ku sheegay in aan Puntland lagu wargelin inuu shir jiro.

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, Madaxweyneyaasha maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku sugan Teendhada Afisyooni.

Madaxdaas ayaa kulan gaar ah oo looga hadlayo furitaanka Shirka Madaxda ku yeeshay Teendhada Afisyooni xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana amniga goobta sugaya Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo halkaas la wareegay.