Sawirro: Axmed Madoobe iyo Deni oo soo gaaray magaalada Muqdisho

23

Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyaga oo ka soo kala duulay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, wasiiro, xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulashada ayaa ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Axmed Madoobe iyo Deni ayaa magaalada Muqdisho wada-hadallo kula yeelan doono Madaxweynaha Soomaaliya, iyaga oo ka arrinsa doono doorashooyinka 2020/21.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona la xiray jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.