Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo

37

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madooobe) ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib booqasho afar maalin qaadatay oo uu ku tegay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Axmed Madoobe ayaa shirar gaar ah la yeeshay dhiggiisa Puntland Siciid Deni, waxayna ka wada-hadleen xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu la kulmay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi iyo mas’uuliyiin kale.

Shirarkii ka dhacay ee Garoowe ee u dhexeeyey hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa laga soo saaray warsaxaafadeed, waxayna shaaciyeen inay imaan doonaan magaalada Muqdisho, si xal mideysan looga gaaro xaaladda dalka, gaar ahaan doorashada.