Axmed Madoobe oo diray baaq la xiriira Ra’iisul wasaaraha cusub

61

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto deegaanada maamulkaasi ayaa ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Maxamed Xuseen Rooble uu heysto muddo kooban, islamarkaana ay taallo shaqo adag oo ay ugu horreyso doorashada 2020/21.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday heshiiska ay gaareen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada, wuxuuna tilmaamay in uusan aheydn xeer u baahan ansixin.

“Waxaad ogaataan in heshiiskaas uusan xeer aheyn balse uu yahay xalka ugu dambeeya ee aan isla aragnay oo doorasho lagu geli karo, una baahneyn in la ansixiyo.” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo horey Madaxweynaha Soomaaliya  u sheegay in heshiiska doorashooyinka ee la gaaray la hor geyn doono Golaha Shacabka, si ay uga doodaan, una meel-mariyaan heshiiskaas oo saldhig u ah doorashada 2020 illaa 2021.