Madaxweynaha dowlad Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya
Axmed Madoobe ayaa shalay si deg-deg ugu baxay magaalada Kismaayo, kadib qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay gudaha magaaladaasi.
Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta ka qeyb-galay aaska Allaha u naxariistee gudoomiyihii Rugta ganacsiga iyo warshadaha ee maamulkaasi.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa isaga iyo madaxda kale ee dowlad goboleedyada u jooga Xamar ka qeyb-galka shirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka.