Axmed Madoobe oo Garoowe kawada kulamo kala duwan

51

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Garowe ayaa halkaaai kula kulmay Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah Wasiiro Siyaasiyiin iyo Xubno kale.

Kulanka ayaa wararka aan helay waxaa ay sheegayaan in looga hadlay sidii xal looga Gaari lahaa khilaafkii la dhashay doorashadii Axmed Madoobe, kaas oo kala dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya.

Wasiirada kulanka goobjoog ka ahaa ayaa waxaa kamid ah, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo khilaafka ugu xoogaa uu kala dhaxeeyo Axmed Madoobe iyo Wasiirada Dastuurka iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Qoraal kooban oo uu Wasiir Oomaar soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu Garoowe kula kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe,hayeeshee uu weli sidiisii yahay kala ragti duwanaanshihii ka dhaxeeyay.

Kulanka oo  aan weli faah faahin rasmi ah laga bixin ayaa waxaa sidoo kale wararka aan helay ay sheegayaan inay jiri doonaan kulamo kale oo ka dhici doona Magaalada Dhuusamareeb oo uu dhawaan ka dhici doono shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.