Aqriso: Axmed Madoobe oo ka hadlay magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub

34

Axmed Axmed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay magacaabida Ra’iisul wasaaraha cusub ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ugu horreyn Axmed Madoobe ayaa Alle uga baryay Ra’iisul Wasaaraha Cusub in uu la garab galo shaqada Culus ee hortaala xiligan kala guurka ah oo dalka ay tahay inay ka dhacdo Doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ku gacan siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub shaqada adag ee hortaala si looga dhabeeyo himilooyinka Ummadda Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan isla marakaana uu shaqadiisa uga soo dhalaalo sida ugu wanaagsan.