Axmed Madoobe Oo Ku Baaqay In Xal Laga Gaaro Khilaafka Doorashada 2021

22

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ka qeyb galaya Munaasabada sanad guurada labaad ee Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay xaaladda iyo doorashada dhaceysa 2021.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in khilaafka ka taagan Arimaha Doorashooyinka ay sal u tahay Arrinta Gobolka Gedo, waxaana Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu la yimaado aragti lagu xalin karo Xaalada halkaas ka jirta.