Axmed Madoobe oo ku dhawaaqay Arin Xasaasi ah

73

Madaxweynaha Dowlada Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa gabagabadii shirweynaha Heritage ee Garowe ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay dhinacyo kala duwan.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Maxadka heritage in shirweynahan ay usoo rareen dalka iyadoo markii hore lagu qaban jiray dibada taas oo wax badan kusoo kordhinaysa Saxaada Siyaasada dalka iyo is dhaafsiga afkaaraha.

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu u mahad celiyay Dowlada iyo Shacabka Puntland sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen oo ay u marti sooreen dhamaan Madaxda iyo martida shirkan aragti wadaaga ah ka qeyb galayay.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay Xaalada amaanka dalka iyo marxalada kala guurka ah wuxuuna ugu baaqay dhamaan dhinacyada inay ka shaqeeyaan sidii loo dhamayn lahaa kala aragti duwanaanshah jira isla markana la isugu iman lahaa shir lagaga tashanayo aayaha dalka.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in Xaalada amaanka dalka ay muhiim u yihiin Doorashooyinka oo si Nabad ah ku dhaca taasna lagu gaari karo wada hadal iyo sidoo kale in loo midoobo sidii tabashooyinka jira loo xalin lahaa.