Tuesday, June 22, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM

Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM

20

Taliyaha Ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika  ee loo yaqaano AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend ayaa Maanta booqasho ku tegay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee dowlad Goboleedka Jubbbaland.

Madaxweynaha Mamaulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom Jeneraal Stephen Townsend iyo Saraakiil la socotay.

Kulanka dhexmaray Axmed Madoobe iyo Taliye Stephen ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeyay Taliska Mareykanka iyo Jubbaland ee dhinaca taageerada Ciidamada Maamulka.

Sidoo kale inta uu socday kulanka waxaa lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa la-dagaalanka Al-shabaab iyo sidii maraykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa howlgalada ka dhan ah Shabaabka.

Deegaanada Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Mareykanka ee qaaradda Afrika  ee loo yaqaano AFRICOM, kuwaasi oo Ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka ka taageeera howlgalada ka dhan ah Al-shabaab.