Sawirro: Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay Duqa magaalada Muqisho

58

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa kulan la yeeshay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Filish.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay, Axmed Madoobe ayaa ahaa mid ku koobnaa booqasho iyo is xog-Wareysi, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo lale qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa hoyiga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.“

Maalmihii u dambeeyey, Axmed Madoobe ayaa kulamo kala duwan ka waday magaalada Muqdisho oo uu uga qeybgalay shirkii wada-tashiga madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.