Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay guddoomiyaha Aqalka Sare

69

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay kulan la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulankan oo ka dhacay hoyiga Gudoomiyaha ayaa lagaga hadlay Xaalada dalka, iyo Arimaha Doorashooyinka.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo qaaday arrimo ku aadan meel marinta heshiiskii laga gaaray doorashada.