Axmed Madoobe oo maanta ka qeyb galaya kulanka Golaha Sare

24

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka qeyb-galaya kulanka Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, sida uu sheegay guddoomiyaha Golahaasi, Cabdi Xaashi Cabdullahi

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa la filayaa inuu khudbad u jeediyo xildhibaanada Aqalka Sare, isaga oo uga hadli doodo xaaladda dalka, arrimaha Jubbaland iyo safarkiisa.

Sidoo kale Sanatorada Aqalka Sare ayaa su’aallo weydiin doono Axmed Madoobe, kuwaas oo badi la xiriira xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2020/2021.

Dhowaan ayey aheyd markii Aqalka Sare uu tegay Madaxweynaha Puntland oo isna haatan ku sugan magaalada Muqdisho.