Axmed Madoobe oo Muqdisho kula kulmay Qoor Qoor + Sawirro

32

Hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan la qaatay dhiggiisa Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka dhacay hoyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay Madaxweyne Qoor Qoor.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada-hadlay xaaladda siyaasadeeda ee dalka iyo wada-tashiyada u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Sidoo kale Axmed Madoobe iyo Qoor ayaa si gaar ah diiradda u saaray doorka ay ka qaadan karaan xal u helista arrimaha doorashooyinka 2020/2021.

Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay marti-gelineysay kulamo siyaaasadeed oo is daba-joog ah, kuwaas oo u dhexeeyay madax goboleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadda.