Axmed Madoobe oo si deg-deg ah ugu amba-baxay magaalada Kismaayo

66

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, Axmed Madoobe oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa goor dhow u ambabaxay magaalada Ksimaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa ka duulay garoonka Aadan Cadde, xilli la filayey in uu ka qeyb galo shirka wadatashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo beri ka furmaya Muqidsho.

Safarkiisa ayaa sidoo kale ku soo aadaya, xilli maanta Kismaayo uu ka dhacay qarax lagu dilay gudoomiyihii rugta ganacsiga dowlad goboleedka Jubbaland