Ayaax ku habsaday Degmada walanweyn e Gobolka shabeeladda Hoose.

81

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeeladda Hoose ayaa waxaa ay Sheegayaan in ayax fara badan uu ku habsaday deegaano dhulbeereed ah ee hoos taga gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan degmada Wanlan- Weyn ee gobolkaasi waxaana ayaxu gabi ahaanba bur buriyay dhul bereed aad u fara badan iyo dhul daaqsinka waxaa nabaad guur ku yimid deegaanada uu maray ayaxa.

Dadka ku nool Deegaanada uu Waxyeeleeyay ayaxa ayaa waxey la daalaa dhacayeen dhibaatooyin ka dhashay fatahaada wabiga shabelle oo ay ka barakaceen shacabkii deganaa halkaasi kuwaasi oo ay haysatay macluul ,gaajo ,cuduro ayaa waxaa ugu darsantay ayax ku degay beerahooda.

Malaaq C/llaahi Saleebaan Cumar oo ka mid ah dadka beeraleyda ku nool deegaanadaasi ayaa ka hadlay dhibaatada iyo saameynta uu U Geystay Ayaxa  waxana uus heegay in Ayaax fara badan uu ku habsaday  beeraha isagoo tilmamaay in aysan heysan wax ay kula dagaalamana Ayaxa .

Dhinaca Malaaq C/llaahi Saleebaan Cumar ayaa ka Codsaday Hay,adaha Samafalka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ,Dowladda Federaalka Soomalaiya , Ganacsatada in ay caawiyaan dadka ku nool deegaanadaasi .

Ayaaxan ayaa waxa uu horey usoo baabiyay degmooyin badan oo ah dhul beered ay ka baxayeen dalagyo badan .