Baaq loo Jeedinayo Colaad Beeledyo ku soo lab laabtay Deeganadda Galmudug

33

Warar kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayaan deegaanaa Qalanqale Xananbuure iyo tuulooyin kale oo hoostaga deegaankaas kadib markii laba qof xalay lagu dilay inta u dhexeeysa Xananbuure iyo miir-jiiclay

Dadkan la dilaya ayaa ahaay  dad xoolo dhaqato ah, kuwaasi oo loo dilay aano qabiil oo muddo lagu howlanaa sidii loo soo afjari lahaa, balse lagu guud-darreystay.

Mid ka mid ah dadka deegana ayaa waxa uu ka war bixiyay dil loo geestay dadkaasi  shacabka waxana uu tilmaamay in ay ahayeen dad xoolo dhaqato ah kuwaasi oo loo dilay aano qabiil oo ku soo lablabatay  deegaankaasi

Waxaa uu baaq u diray dadka waxgaradka iyo siyaasinta mamaulak galmudug in ay arrintani soo dhex galaan si loo qaboojiyo dhibataadan soo laablaabatay oo xal looga gaaro

Dhinaca kale  waxa halkaasi gaaray Ciidan wata gaadiidka nooca dagaalka ay howlgal ballaaran ka wada deegaanada Xananbuure iyo qalanqale , iyagoona ku raad jooga  rag maleeshiyo beeleed oo dadkan shacab  ah ku dilay inta u dhexeeysa Xananbuure iyo miir-jiiclay.

Mar sii horeysay  sidaan oo kale laba ruux  ayaa loogu dilay magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, xili uu falkaas la xiriiray aano qabiil, welina aan gacan lagu soo dhigin ragii ka dambeeyay