Baarista Dhacdadii Kenya Ee Ceel-Waaq Oo Natiijo Hordhac Ah laga Soo Saaray.

33

Dowlad Goboleedka Jubbaland oo dhawaan  u magacowday Guddiga  dhacdadii ka dhacday Ceel waaq ayaa shaaciyay natiijo hordhac ah oo ku aadan baaritaankii ay sameeyeen.

War ka soo baxay maanta Guddiga ayaa lagu shaaciyay  in Ciidanka Kenya 22-kii bishii September ee sanadkaan  2020  afar qof  ka kexeeysteen deegaan Yeedho hoostega degmada  Ceel-waaq, isla markaana hal ruux la dilay, halka saddex kalena ay Guddiga dib ugu celiyeen qoysaskoodii marka hore laga watay.

Sidoo kale  Guddiga baarista dhacdada ee maamulka Jubbaland ayaa tilmaamay  inay wada-haddalo xiligaan kula jiraan Sarakiisha Ciidamda dowladda Kenya, ayna doonayan inay dib uga soo celiyaan Afar ruux oo heystaan, dhawaana ay dadkaas soo celinayaan.

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Amnigga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo hoggaaminayay Gudigga loo xilsaaray dhacdadaan oo warbaahinta kula hadlay Ceelwaaq ayaa sheegay in lagu guuleystay wejiga Koowaad ee baartitaanka falkii geysteen Ciidanka Kenya, isla markaana ay weli socdaan baaritaano kale, ayna natiijada la wadaagi doonaan shacabka.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dawlad Gobaleedka Jubbaland Cabaas Ibraahim Gurey ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay Afartaas ruux ka qabteen agagaarka koontiga Wajeer, kadibna ay afduubteen.

Gudigga oo maalmahan ku sugnaa  Magaalada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo ayaa kulamo  la yeeshay Siyaasiyiinta, Waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada ku nool degmadaasi, iyagoona la wadaagay natiijada hordhaca ah ee kasoo baxday baaritaanka. Ay ka sameeyeen dadkii Ciidanka Kenya ay ku dileen deegaan hoostega Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo