Baaritaano ka socda Beledweyne, kadib qarax ka dhacay

59

Ciidamada ammanaka ayaa waxaa ay baaritaano ay saakay wadaan gudaha xaafadaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Baaritaanadan ayaa ka dambeeyay kadib markii koox hubeysan ay weerar Bam Gacameed loo Adeegsaday ay ku qaadeen Bar koontarool oo Ciidamada Amaanka ay ka ilaaliyaan Xaafada Buunda-weyn Magaalada Beledweyne.

Inta la ogahay seddex qof ayaa ku dhaawacan tahay bamboo gacmeedka xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Ma jiraan weli wax faahfahain ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.