Baarlamaanka Carabta Oo War Kasoo Saaray Rabshadihii Ka Dhacay Muqdisho

74

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Caadil bin Cabdul Raxman Al Casumi ayaa walaac weyn ka muujiyay rabshadahii maalmo kahor ka dhaca Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwo daacad u ah Musharaxiinta.

Bayaan uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayuu dhammaan Madaxda ugu baaqay inay wada-hadal ka yeeshaan khilaafka ka taagan doorashada oo si nabad ah lagu dhameeyo wax kasta oo qabado ah oo jira.