Baarlamaanka Dowlad Puntland Kal-Fadhigasa 47-Aad Oo Maanta Furmaya.

36

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxa maanta si rasmi ah uga furmo kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Maamulka Puntland, kadib markii uu dhammaaday kal-fadhigii hore ee 46-aad

Waxa Xaruunta Golaha Wakiilada Puntland ka socda Munaasabad furitaanka kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamaanka
Munaasabad ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madaxweynah Puntland Dr Saciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaano, Wasiiro, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweye Saciid Deni ayaa Munaasabadda furitaanka Baarlamaanka ka jeedin doona Khudbadiia Dastuuriga ah tasoo uu uga hadli doono arrimo kala duwan oo ku aadan Dowlada Puntland, xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha Doorashada Soo Socda.

Wararka naga Soo gaaray Halkaasi ayaa tilmaamaya in Ammaanka guud ee Caasimadda Puntland ee Garoowe siweyn loo adkeeyay, waxaana inta badan la xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Munaasabadda lagu qabanayo.
Saakay oo isniin ah ayaa Waxaa lag dareemaya Magalada Garoowe dhaqdhaqayo ka socda waxana Wadooyinka lagu arkaya Ciidamada Amaanka oo suga Xaalada amaan ee Caasimada Puntland