Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo ansixiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha & kuxigeenkiisa

46

Wararka naga soo garaya Magaaalda Jowhar ee Xaruunta  Hirshabelle ayaa tilmamay in Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ay maanta ku ansixiyeen Guddiga doorashooyinak Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Kulanka maanta Xildhibaanada ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr Cabdixakim luqmaan Xaaji Muxumed , ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa Ansixinta Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Ugu dambeyntii xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa ansixiyey Guddiga Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Guddiga doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ku dhawaaqaan Jadwalka doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle.

Kulankan ayaa ahaa  kalafadhiga 1aad kulinkiisa 4aad ee Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ay ku yeehsaan Jowhar