Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle oo kulan yeeshay

17

Kulanka oo uu shir Gudoominayey kusimaha Guddoomiyaha  ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa Ajendahiisu ahaa qeybinta iyo Akhrinta Xeer hoosadka Baarlamaanka, iyada oo Xoghayaha Guud ee Golaha Cabdi Waxiid Maxamed Xuseen (Wadaariyad)  uu Xildhibaanada k ahor Akhriyey Cutubka 1aad oo ka kooban 10 Qodob iyo Cutubka 2aad oo ka kooban 7 qodob oo dhamaantod ah Xeer Hoosadka Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle

Ugu dambeyn Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq ayaa soo xiray Fadhiga isagoo xildhibaanada ku wargeliyey in akhrinta Xeer Hoosadka sii socon doono ilaa laga dhameeyo Cutubyada iyo Qodobada uu ka kooban Xeer Hoosadka Baarlamanka.

Maalmihii la soo dhaafay Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa waxaa kla dhex jiray dood la xiriirta in lagu kordhiyo 17 xubnood, kuwaas oo qaarkood la siin ayo Haweenka oo cabasho ka timid.