Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi ah leh

132

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa in mid ka mid ah Kulamadooda caadiga ah ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajandayaasha Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ay kala yihiin, Codeynta Hindise Sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo Akhrinta labaad Hindise Sharciyeedka qareemadda Soomaaliyeed.

Xildhibaannada Golaha Shacbaka ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan fadhiga Maanta ee Golaha 9:00 subaxnimo,isla markaana loogu baaqay inay waqtiga ilaaliyaan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa ay si weyn uga doodeen, isla markaana ay ansixiyeen Afar Xeer oo la xiriiray arrimaha doorashooyinka,kuwaas oo kala ahaa, Xeerarka matalaada Gobolka, Banaadir, Qoondada Haweenka, degaameynta kuraasta Gobolada Waqooyi iyo Asteynta iyo Daadajinta Kuraasta Baarlamaanka.