Fadhiga 26-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta maalintii 2aad looga dooday Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha.
Fadhiga maanta oo ay joogeen 42 mudane, ayey Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland qodob-qodob uga doodeen Xeerka oo lagu daray wax-ka-bedelka Guddiga, Wax-ka-bedelka Golaha iyo sidii hore ee lagu soo gudbiyey hindise-Xeereedka sida uu qabo Qodobka 70-aad Dastuurka Dawladda Puntland.