Baarlamaanka Puntland oo dib u dhigay dib u eegista heshiiskii DP World

154

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maanta kulan xasaasi ahaa ku yeeshay Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland, waxaana hortegay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Dowlad Goboleedka Puntland.

janaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu ahaa dib u eegis ay ku sameyn lahaayeen Xildhibaananda heshiis ay Puntland la gashay sanadkii 2017 Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta si ay maalgashi ugu sameyso Dekadda Boosaaso

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland ay su’aalo dhowr ah ka weeydiiyeen heshiiskii ay wada galeen Xukuumadii Madaxweyne Cabduweli Gaas iyo Shirkadda DP World.

Xildhibaannada qaarkood ayaa soo jeediyay in dib loo dhigo ka doodista iyo dib u eegista heshiiska dekedda Boosaaso ,isla markaana Kalfadhiga 47-aad oo furmaya Bisha Octoober ay ku ballameen dib u fiirinta heshiishkaas oo Puntland iyo DP-World ay galeen 2017.

Saxaafadda Madaxa-bannaan ee ka howlgasha Magaalada Garoowe ayaa maanta loo oggolaan fadhiga Golaha oo sidoo kale Warbixin lagaga dhegeystay Wasiirka Dekedaha Puntland.