Baarlamaanka Puntland oo kulan ka yeelanaya Heshiiskii Shirkadda DP World

28

Xildhibaannada Golaha Wakiilada ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Khamiis ah ay kulan xasaasi ah ku yeeshaan xaruntooda Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Kulanka ayaa waxaa ay Maanta uga doodi doonaan Xildhibaananda Dib-u eegista heshiiskii P&O Ports ee Shirkadda DP-World, taas oo ay soo jeediyeen shalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) ayaa la filayaa in uu Baarlamaanka hortago,isla markaana Xildhibaannada ay wax ka weeydiiyaan heshiiska Shirkadda DP World ee ku saabsanaa horumarinta dekadda Boosaaso & waxyaabihii ka fulay.

Dekadda Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa maalin ka hor kusoo xirtay Markab laga leeyahay dalka Jabuuti oo nooca kunteenarka ah,kaas oo ka yimid dalka Turkiga,waxaana Shirkadda DP World ay xiisad kala dhaxeeyaa turkiga, iyada oo lagu dhaliilo in aysan dooneyn horumar ay sameyso dekadda Boosaaso.