Monday, July 26, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Baarlamaanka Puntland oo Maanta ansixiyay xisaab-xirka Miisaaniyadda 2020

Baarlamaanka Puntland oo Maanta ansixiyay xisaab-xirka Miisaaniyadda 2020

8

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku yeeshay kulankii 9-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Baarlamaanka.

Kulanka oo ay shir guddoominayeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayna wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenkiisa kowaad iyo labaad ee Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa waxaa uu Ajendihiisu ahaa ka doodista Xisaab-xirka Sannad Maaliyadeedka 2020.

Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Xildhibaanada ayaa Akhrinta labaad ku soo sameeyay Xisaab-xirka sanadka Maaliyadeedka, isla markaana Warbixintooda la wadaagay Golaha.

Dood iyo Falanqeyn kadib waxaa Xubnaha Golaha Wakiilladu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xisaab-xirka 2020, iyadoo ay oggolaadeen 44 Xildhibaan, waxaa ka aamusay 2 Xildhibaan, mana jirin cid diiday.