Sunday, October 17, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Baarlamanka Puntland oo wax ka bedel ku sameeyey xeer-hoosaadka Golahooda

Baarlamanka Puntland oo wax ka bedel ku sameeyey xeer-hoosaadka Golahooda

24

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku yeeshay Kulankii 9-aad ee Kal-fadhiga 48-aad ee Golaha Wakiilada.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa u Codeynta wax ka bedel lagu sameeynayo xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada Puntland, waxaana kulankaas shir guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa wax ka bedel ku sameeyey xeer-hoosaadka Golaha, iyagoona u codeeyey in Guddoonka Baarlamanka iyo Xildhibaannada ay xasaanadda xildhibaannimo ku waayi karaan oo kaliya 44 Cod.

38 Xildhibaan ayaa ogaalay in wax ka bedel lagu sameeyey xeer-hoosaadka Golaha, halka 10 Mudane ay diideen, waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan, iyadoona Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ku dhawaaqday natiijada Codeynta.

Tallaabadan ayaa la sheegey in ay meesha ka saarayso Guddoomiyayaasha Wakiillada Puntland oo ay badnayd in mooshino lagu rido, waxaana horey loogu ridi karay 34 Cod oo aheyd tiro yar, hayeeshee hadda la gaarsiiyay 44 Cod.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa la gaarsiiyey si lamid ah tan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka oo aan si fudud looga keeni karin Mooshin iyo xil ka qaadis.

Tan iyo markii Saciid Cabdullaahi Deni loo doortay xilka Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa xasaanadda Xildhibaanimo laga xayuubiyay 8 Xildhibaan, sidoo kalena xilka Mooshin looga qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka Dhooba-daareed.